Cudurka Shuban Biyoodka oo ka dillaacay degmada Buurhakaba iyo deegaanada hoostaga ku dhawaad 15 maalin ka hor ayaa saameeyay inta badan saameeyay dadka ku dhaqan magaalada Buur-hakaba iyo deegaanada hoostaga.
Agaasimaha isbitaalka Buur ayaa warbaahinta u sheegay in dad ka badan 100 qof ay cudurka ugu dhinteen gudaha magaalada iyo hareeraheeda wuxuuna ka dayriyay xaaladda ay ku suganyihiin Boqolaal qof oo cudurkaasi soo ritay.
Dhimashada ugu daran ayaa ka dhacday 5 tuulo oo dhanka Waqooyi uga beegan Buurhakaba, sababaha cudurkan ku faafay ayaa loo sababeeyay Ceelashii biyaha oo biya yareeyay in warihii deegaanka oo guray arrinkaasi oo sababay in dadku cabayaan biya wasakheysan.
Qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan deegaanadaasi ayaa xusay in shalay oo kaliya dad kor u dhaafaya 10 ruux ay u dhinteen cudurka’waxeyna intaasi ku dareen in labadii todobaad ee u dambeysay dadka cudurkaasi u dhintay ay kor u dhaafayaan 180 ruux.
Dhaqaatiirta caafimaadka waxay sheegayaan in cudurka daacuunka uu 280 qof ku dilay magaalooyinka Buur-hakaba iyo Baydhabo laba bilood gudahood.
Warar aan lagu kalsoonaan Karin waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ee gobolka Baay ku sugan ay ceelasha biyaha ku shubeen walxa sumaysan oo qeyb ka qaatay faafinta cudurkan dilaagga ah ee dadka badan laayay.