Howlgal gaar ah oo ciidamo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab ka fuliyeen gudaha magaalada Kismaayo waxay ku khaarajiyeen askari ka tirsanaa sirdoonka maamulka ashahaada la dirirka ah ee jubalaand, kaas oo lagu magacaabi jiray Cumar Afballaar.
Askarigaan ka tirsanaa nabad sugidda maamulka Axmed Madoobe ayaa sidoo kale istaaf u ahaa sarkaal sare oo ka tirsan maleeshiyaadka maamul goboleedka isku magacaabay Jubbalaand, wuxuuna caan ku ahaa basaasidda dadka muslimiinta ah, gaar ahaan kuwa ay sunnadu ka muuqato.
Dhanka kale, ciidamada mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku mireen saldhigga ciidamada kuffaarta Burundi ay kaga suganyihiin degmada Balcad ee Sh/dhexe, deryanka hubka noocyadiisa kala duwan ee la isku adeegsanayay dagaalkaasi ayaa laga maqlayay xaafadaha degmadaasi.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar abaabulan ku qaadeen xero ciidamada kuffaarta Kenya ay ka degganyihiin deegaanka Hoosingow oo ka tirsan Jubbooyinka, dagaalka kaddib xerada ciidanka Kenya, waxaa lasoo wariyay in uu xooggan ka kacay.
Dhanka Sh/hoosena, waxay ciidamada mujaahidiintu weeraro saf ballaaran ah ku qaadeen saldhigyada saliibiyiinta Yugaandha iyo kuwa murtadiinta ay kaga suganyihiin degmada Qoryooley, waxaana halkaas ka dhacay dagaallo culus oo in muddo ah socday.