Cumar Cabdi Xasan oo ah falanqeeya dalka dibadiisa ku sugan oo uwaramay Idaacadda Alfurqaan ayaa sheegay in Ciidamada shisheeye Amisom aysan usuurtagalin ujeedooyinkii ay usoo galeen Dalka Soomaaliya.
duulaanka Ciidamada Amisom ee Soomaaliya ayaa 10 sano jirsaday.
Cumar ayaa sheegay in shisheeyaha ay usoo duuleen sidii ay kaga hortagi lahaayeen shareecada islaamka balse haatan shareecada lagu xukumo meello badan oo kamid ah Soomaaliya.
“Sabab kale Shisheeyaha afrikaanta  uyimaadeen waxay ahayd inay dhaqaale helaan balse wax badan uguma hirgalin, wixii yaraa oo ay heleena waxaa kaga badan dhibka ay ku qabaan Soomaaliyaâ€ayuu Yiri Cumar Macalim Cabdi Xasan.
Cumar waxa uu meesha ka saaray Ciidamada Amisom inay uyimaadeen sidii ay nabad kaga dhalin lahaayeen Dalka Soomaaliya.
Ictisaamka isgarab istaagay shisheeyaha ayuu kusoo hadal qaaday wareysiga uu bixiyay Cumar Cabdi Xasan.