Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax culus oo ka dhacay qeybo ka mid ah wadada Dabka ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan waxaa lala beegsaday sarkaal ka tirsan dowlada ridada gaar ahaan qeybta maamulka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo dhawaaqiisa si aad ah looga maqlay xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa lala beegsaday sarkaal lagu magacaabo Cumar Sheekh Caamir kaasi oo la xaqiijiyay in qaraxa lagu dilay.
Sarkaalkan waxaa lala dilay Labo askari oo la socotay,waxaa mas’uuliyadda dilka sarkaalkan sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.