Xildhibaan Daahir amiin jeesow oo ka mid ah xildhibaanada maamulka Farmaajo ayaa si dirqi ah kaga badbaaday isku day la doonayay in isaga lagu dilo.
Murtad Daahir Amiin Jeesow ayaa qarax lagula beegsaday hooygiisa oo ku yaala gudaha magaalada Beledweyne waxaana la xaqiijiyay in Murtadka xilliga qaraxa uu ku sugnaa gudaha hooygiisa.
Daahir Jeesow ayaa si dirqi ah kaga badbaaday qaraxan waxaana dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay xaafadaha magaalada Beledweyne.
Dhanka kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey howlgal burcad sifeeyn ah ka sameeyeen duleedka magaalada Beledweyne waxeyna howlgalkan ku dileen askari ka tirsanaa Ridada oo lagu magacaabi jiray Cabdi Gaab Axmadeey waxeyna Mujaahidiinta gacanta ku dhigeen oo ay soo ganiimeysteen qorigii iyo booshkii uu ku hubeysnaa askariga ay dileen.
Calamada.com