Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh/Cali Dheere) ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay qorshaha duullaan cusub oo la damacsan yahay in Soomaaliya lagu soo qaado iyo waxa uga qarsheysan mujaahidiinta.
Wareysi muuqaal ah oo uu siiyay Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-furqaan ayuu sheegay in dagaalka lagu soo qaaday Soomaaliya uu yahay mid uu calanka u sido Mareykanka kaasoo lagu doonayo in meesha looga saaro ku dhaqanka shareecada islaamka.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in uu fashilmay ololohii duullaan ee ugu dambeeyay oo cir iyo dhul ahaa islamarkaana ay ka qeyb qaadanayeen dowladaha Nato qaarkood sida Mareykanka iyo Turkiga, wuxuuna caddeeyay in ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay maleeshiyaadka murtadiinta kaga dileen dagaalada saraakiil badan oo loo diyaariyay iney shaqeeyaan sodomeeyada sano ee soo socda, hubkoodii iyo gaadiidkoodiina ay ka dhigeen wax ay gubaan iyo wax ay la wareegaan mujaahidiinta oo gacantooda soo gala.
Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in fashilkaasi kadib ay xog sirdoon ku heleen qorshe uu Mareykanku dagay oo ah in ciidamada Itoobiya dib loogu soo celiyo Soomaaliya oo ay cadaawad fog kala dhaxayso.
“Xamlada wajigeedii hore markuu fashilmay oo Murtadiintu wax tari waayeen oo ciidamadii uu soo tababaray wax tari waayeen oo diyaaraduhu meydaanka wax ka tari waayeen, markaan wuxuu qaatay Mareykanka in uu Itoobiya dib usoo celiyo, marka wajiga 2-aad ee hadda la sheegayo cidda lagu tashanayaahi oo la rabo in dalka lagu soo celiyo waa Itoobiya, Itoobiyana waligeed qorshaha ay gaaladu ku taami jirtay wuxuu ahaa in ay Soomaaliya liqdo oo Soomaaliya dhammaanteed ay noqoto dal ka tirsan Nasaarada Itoobiya” ayuu yiri:
Wareysiga qeybtiisa koowaad oo la daawan karo qadar 29 daqiiqo ah ayaa waxaa uu kusoo bandhigay arrimo badan oo daahsoon oo ku aadan waxa dalka ka socda iyo ahdaafta shisheeyaha.
Xigasho Radio Al-furqaan.