Kanaalka wararka ee Al-kataa’ib ayaa galabta baahiyay qaybtii labaad muuqaallo lagu soo bandhigayo qaabka uu u dhacay shirka wadatashiga 2-aad ee looga arrinsanayo Jihaadka ka socda bariga Afrika, kaas oo ay ka qeybaleen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira Culimada, Odayaasha dhaqanka iyo hogaanka guud ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Qaybtaan 2-aad waxa uu qanaadka kusoo bandhigay, qaar ka mid ah kalimaadkii ay jeediyeen masuuliyiintii kasoo qayb gashay shirka oo ay ka mid yihiin Sheekh Fu’aad Maxamad Khalaf, Sheekh Xasan Afgooye, iyo Sheekh Suldaan Aala Maxamad.