Idaacadda islaamiga ah ee Al-andalus oo ku hadasha afka xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay caawa baahisay macluumaadka ku dhawaad 100 sarkaal oo lagu dilay howlgallada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka dhanka ah Riddada, tan iyo markii uu murtad Xassan Sheikh Maxamuud ku dhawaaqay gulufka ka dhanka ah shareecada islaamka ee lagu soo qaaday wilaayaadka islaamiga ah ee Soomaaliya.
Tirakoobka Andalus waxaa lagu soo bandhigay macluumaadka magacyada iyo sawirrada ku dhawaad 100 isugu jira saraakiil iyo masuuliyiin dowladeed oo ka mid ahaa murtadiin badan oo lagu laayay camaliyaadka Mujaahidiinta ee looga hortagay dagaalka ka dhanka ah shareecada islaamka ee ay reer galbeedka saliibiyiinta ah usoo wakiisheen dabadhilifyadooda murtadiinta.
Warbixintan oo maqal iyo muuqaal ah waxay warbaahinta islaamiga ah ee Al-andalus kusoo sardisay magacyada iyo sawirrada sarakiishii Ridada ee lagu dilay camaliyaadka Mujaahidiibta laga soo billaabo 20-kii September illaa 31-kii December sannadkii tagay ee 2021-kii, iyadoo warbixinta lagu soo bandhigay xilalkii ay hayeen saraakiisha Riddada ee lagu dilay howlgallada Mujaahidiinta.