Xilli deegaannada ay maraan wabiyada Jubba iyo Shabeelle ee dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya laga soo sheegayo xaalado adag oo ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay wabiyadaas ayaa dhanka kale, waxay wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka u istaagtay inay samayso dedaallo looga hortagayo fatahaad uu sameeyo wabiga Jubba.
Maamulka islaamiga ah oo kaashanaya guddiga maaraynta fatahaadaha iyo daadadka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa sameeyay dedaallo ay ku bixinayaan ka hortagga fatahaada uu sameynayo webiga Jubba.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Dedaallada Maamulka Islaamiga Ah.