Muuqaallo markii ugu horraysay laga keenay degmada Galcad oo ka mid ah degmooyinka bariga wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud, dhowaana ay isaga carareen ciidamo huwan saliibiyiin Maraykan ah iyo maleeshiyaad murtadiin ah, ayaa muujinaya raadadkii burburka ee ay degmadaasi kaga tageen maleeshiyaadka murtadiinta.
Muuqaalkan ayaa laga dheehan karaa sida ay maleeshiyaadka murtadiintu u bililiqaysteen guryaha dadka rayidka ah, xeryaha ay isaga carareen maleeshiyaadkan waxaa dhexyaal agabyadii ay kasoo fujiyeen guryaha dadka shacabka ah ee ay ku dhisteen xeryahooda, Suldaan Daa’uud Xasan Aadan, suldaanka beesha Waceysle ayaa kasoo muuqanaya muuqaalkan isagoo sharaxaya dhibaatooyinkii ay gaysteen Riddada, ka hor inta aysan ka cararin degmada, masjidka Galcad ayaa la arki karaa burburka ka muuqdo, dadka shacabka ayaa sidoo kale la daawan karaa iyagoo dib u daabulanaya agabyadii ay murtadiinta ka bililiqaysteen guryahooda.