Channelka wararka ee Al-kataa’ib ayaa caawa baahiyay kalimad maqal iyo muuqaal ah oo kasoo baxday guddiga maaraynta fatahaadaha ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab, taas oo uu guddigu farriin ugu dirayo guud ahaan dadka Soomaaliyeed.
Farriintan maqal iyo muuqaalka ah waxaa jeedinaya Sheekh Xassan Yacquub Cali oo ka mid ah xubnaha guddiga maaraynta fatahaadaha mujaahidiinta, waxaana farriintan uu kaga warbixinaya howlaha uu wado guddiga, sidoo kale waxa uu baaq u dirayaa bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada inay kaalin ka qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.