Mu’assasada Al-kata’ib oo ah garabka warbaahineed ee Mujaahidiinta Al-shabaab, ayaa galabta baahisay filim cusub oo muhiim ah, kaas oo lagu soo bandhigayo weerarkii sida daran loogu xasuuqay ciidanka nasaarada Itoobiya ee ka dhacay deegaanka Booco-banaaney ee dhaca duleedka degmada Rabdhuure ee wilaayada islaamiga ah ee Bakool.
Filimkan xiisaha badan oo la daawan karo muddo ku dhow hal saac, ayaa marka hore lagu soo bandhigayaa dagaalka soo jireenka ah ee u dhaxeeya muslimiinta iyo saliibiyadda Nasaarada Xabashida Itoobiya, wuxuu sidoo kale filimku soo sardinayaa dhibaatooyinka ay nasaarada xabashidu ku hayso muslimiinta ku dhaqan gudaha dalka Itoobiya.
Filimka waxaa sidoo kale lagu soo bandhigaya malxamaddii Taariikhda gashay ee lagu xasuuqay ciidanka xabashida Itoobiya ee ka dhacay deegaanka Booco-bannaaney taariikhdu markii ay ahayd 2-da Rabiicul Awal sannadkan 1445 Hijri, kolkaas oo ay ciidamada mujaahidiintu weerar kula jarmaadeen kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo maraayay deegaanka Booco ee dhaca duleedka degmada Rabdhuure, halkaas oo lagu dilay inka badan 250 askari oo xabashi ah.