Boqollaal ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada Galhareeri ee wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud ayaa goob fagaare ah ku daawaday bandhigyo kala duwan oo qayb ka ah damaashaadka ciidda, halkaas oo lagu soo bandhigay tartamo kala duwan oo abaalmarinno lagu bixinayay.
Tartamada lasoo bandhigay waxaa ka mid ahaa tartanka fardaha oo aad looga isticmaalo bartamaha Soomaaliya iyo dheri jebinta oo caanka ah wilaayaadka islaamiga ah iyo tartamo kale. farxad wayn ayaa ka muuqatay dadkii halkaas usoo daawasho tagay sida laga dheehan karo sawirrada laga soo qaaday fagaaraha fantasiyaha lagu qabtay.
Maamullada wilaayaadka islaamiga ah waxay maalmaha ciidda fantasiyaal kala duwan ku qabtaan degmooyinka iyo deegaannada ay maamulaan ee dhaca wilaayaadka islaamiga ah ee dalka, kuwaas oo lagu waynaynayo maalmahaan farxadeed ee ay leeyihiin muslimiinta caalamka.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Galhareeri Iyo Damaashaadka Ciidda.