Channelka wararka ee Al-kataa’ib ayaa goordhow faafiyay muuqaal uu kasoo muuqanayo Sheekh Cali Maxamuud Raage, afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, kaasi oo jeediyay kalimad kasoo baxday hoggaanka sare ee mujaahidiinta oo lagu caddeeyay mowqifka Xarakada kaga aaddan ficillada boobka iyo burcadnimada ah ee ay ku kacayaan kooxda Riddada iyo shirkado ku bohoobay burburinta dhaqaalaha dalka iyo bangiyo mujrimiin ah.
Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay in boobka waddanka socda, gaar ahaan midka ay ku sheegeen murtadiinta in ay ku jaranayaan %5 hantida shacabka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah uu yahay mid ay kooxda Riddada ah kasoo meersatay (IMF) iyo (Word Bank), laguna boobayo hantida shacabka Soomaaliyeed, xarakaduna la socoto cadaadisyada kooxda Riddada Soomaaliya lagu saaray inay keentay dhaqaale lagu sii socodsiiyo duullaanka ashahaada la dirirka ah ee lagu hayo umadda Soomaaliyeed.
Sh Cali Maxamuud Raage, ayaa sheegay inay mujaahidiintu ogyihiin shirkadaha iyo bangiyada khiyaameeyay dadka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah, kuwaas oo dadka hantidooda ku aaminay xogtooda u dusiyay gaalada iyo murtadiinta, saamina ku leh lacagaha baadda ah ee ay Riddadu ku jaranayso %5 lacagta shacabka.
“Waxaan ognahay shirkadaha iyo bangiyada khaa’imiinta ah ee ay dadka Muslimiinta ah ku aamineen hantidooda, kadibna xogihii ay hayeen la wadaagay gaalada iyo murtadiinta, hadana saami ku leh lacagta boqolkiiba shanta [%5] lagu sheegay ee xoogga looga qaadanayo shacabka Muslimiinta ah ee nolol-maalmeedkooda la daala-dhacaya” ayuu yiri Sheekh Maxamuud Raage.
Kalimadda Sheekh Cali dheere oo la daawan karo qadar 8 daqiio ah ayuu si qota dheer uga hadlay marxaladaha uu soo maray mashruucan boobka ah ee ka dhanka ah hantida shacabka Soomaaliyeed.
Shirkadaha iyo Bankiyada ayaa lagu eedeeyay in ay qeyb ka yihiin boobka lagu hayo hantida umadda Soomaaliyeed ayna dowladda Xasan Gurguurte sheer kula noqdeen lacagaha badda ah.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa fursad loosiiyay in ay hantidooda ugala baxaan Bankiyada iyo shirkadaha howshan ku lugta leh muddo 6 maalmood ah oo ka billaabanaysa 25 Agoosto 2024, kuna beegan 21 safar 1446.
Ugu dambeyn Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab, ayaa shirkadaha iyo Bankiyada laba arrin kala doorsansiisay in ay dariiqa saxda ah qaadaan oo ay xifdiyaan hantida iyo xogta shacabka ama ay la saftaan nidaamka Riddada, oo ay qayb ka noqdaan boobka lagu hayo hantida shacabka.
“ugu dambeyntii Waxaan dhamaan bangiyada, shirkadaha iyo xarumaha ganacsi ee gaarka loo leeyahay u sheegeynaa inuu khiyaarku gacantooda ku jiro, waxa u furana ay tahay oo kaliya inay kala doortaan inay madax banaanidooda dhawraan, ilaaliyaan ballantii ay ka qaadeen bulshada ee ahayd inay maalkooda u xafidayaan, xogahooda u ilaalinayaan, ammaanada loo dhiibtayna soo celinayaan xilligii looga baahdo, ama inay la saftaan nidaamka ridada ah oo ay ka qayb qaataan boobka lagu hayo hantida shacabka, kadibna u diyaar garoobaan ciqaabta ay ka helaan xukunka shareecada Islaamka”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Cali dheere.
Halkan Ka Daawo Kalimadda Sheekh Cali Maxamuud Raage.