Guddiga maaraynta fatahaadaha ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa degaanka Hargeysa Yarey ee ka tirsan wilaayada islaamiga Jubbooyinka raashin iyo daawooyin ugu qaybiyay dadkii laga soo daadgureeyay tuulooyinka ay saameeyeen fatahaadaha ee ku teedsan jiinka wabiga Jubba.
Sawirrada lasoo bandhigay ayaa muujinaya dedaalka guddiga maaraynta iyo gurmadka raashinka iyo dawada isugu jira ee u u qaybinayo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen ee la isugu keenay deegaanka Hargaysa Yarey oo ah deegaan hoostaga degmada Jilib ee wilaayada Jubbooyinka.
Hoos Ka Daawo Sawirrada,