Waxaa la faafiyay sawirrada Muntada tacliimi ah oo uu soo agaasimay maktabka Tarbiyada iyo tacliinta ee wilaayada islaamiga Jubbada hoose, kaas oo ka dhacay degmada Jammaame ee wilaayada Jubbada hoose, halkaas oo muddo laba maalmood ah ay duruus kala duwan iyo muxaadaraad diini ku qaadanayeen haweenka muslimaadka ah ee ku dhaqan degmadaasi.
Haweenka ku dhaqan degmada Jammaame ee ka faa’ideystay Muntadaha taclimiiga ah ayaa intii ay socotay waxay ku qaateen duruus kala duwan, oo ay ka mid yihiin Silatu-raxim, Xayaatul-quluub, Islaaxul-buyuut, hooyooyin taariikhdu xustay iyo dowrka muclimadda ee dhismaha jiilka mustaqbalka.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.