Channelka wararka ee Al-kataa’ib ayaa baahiyay muuqaal cusub oo lagu soo bandhigayo askar Taa’ibiin ah oo kasoo towbad keenay maamulka Ridada ee isku magacaabay Jubbaland, kuwaas oo uu soo bandhigay maamulka wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka.
Taa’ibiinta lagu soo bandhigay muuqaalka ayaa ka koobnaa illaa afar askari, waxayna soo muuqanayaan iyagoo ka warbixinaya halka kaga biireen maamulka ashahaada la dirirka ah ee isku magacaabay Jubbaland iyo shaqooyinka ay ka qabanayeen.