Channelka wararka ee Al-kataa’ib ayaa caawa baahiyay muuqaalka askar towbadkeenayaal ah oo lagu soo bandhigay wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan, waxayna xubnahan taa’ibiinta ah oo ka kooban illaa laba xubnood kasoo goosteen maamulka ashahaada la dirirka ah ee isku magacaabay Hirshabeelle.
Muuqaal baahiyaha Kataa’ib Akhbaariyah ayay u sheegeen inay ka mid ahaayeen maleeshiyaad murtadiin ah oo qaab beel looga qoray deegaannadooda, si ay ula dagaallamaan shareecada islaamka, mid ka mid ah ayaa sheegay inuu ka mid ahaa maleeshiyaad lagu soo tabobaray Kampala oo ah caasimadda Ugnada, halka mid kalena uu sheegay inay soo tabobareen saraakiil Itoobiyaan ah.