Channelka wararka ee Al-kataa’ib ayaa baahiyay muuqaal cusub oo qayb ka ah, taxane uu channelku kusoo bandhigayo askar taa’ibiin ah oo lagu soo bandhigay wilaayaadka islaamiga ah, kuwaas oo kasoo firxaday furimaha dagaalka ee ay isku hor fadhiyaan ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka murtadiinta.
Qaybtaan waxay Kataa’ib, kusoo bandhigtay laba askari oo kasoo firxaday deegaano ka tirsan wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud ee ay ku tageen duullaanka ashahaada la dirirka ah, waxayna sheegeen inay ka mid ahaayeen maleeshiyadii oodda soo jabsatay wixii ka dambeeyay markii uu dhacay duullaankii barakaysnaa ee taariikhda galay ee Cowsweyne, waxayna ugu dambayn isku soo dhiibeen maamulka islaamiga ah ee Sh/hoose.