Channelka wararka ee Al-kataa’ib ayaa baahiyay qaybaha 23-aad iyo 24-aad, muuqaallo lagu soo bandhigay gurmad loo sameeyay dadkii fatahaaddu saameysay ee ku dhaqan wilaayaadka islaamiga ah ee Jubbada hoose iyo jubbada dhexe ee koonfurta Soomaaliya.
Qaybta 23-aad waxay Al-kataa’ib kusoo bandhigaysaa gurmadka guddiga maaraynta fatahaadda mujaahidiinta uu u sameeyay dadka fatahaaduhu saameeyeen ee ku dhaqan degmada Kamsuuma ee wilaayada Jubbada hoose, halka qaybta 24-aad na lagu soo bandhigay tabarucaadka ay dadka fatahaaduhu saamaysay ka heleen ardayda wax ka dhigta Jaamacada Al-qimmah degmada Jilib ee wilaayada Jubbada dhexe.