Channelka wararka ee Al-kataa’ib ayaa caawa baahiyay muuqaal cusub, kaas oo lagu soo bandhigayo isku soo baxyo waawayn oo ka dhacay degmooyin ka tirsan wilaayada islaamiga Hiiraan, kuwaas oo looga soo horjeeday heshiiskii xaaraanta ahaa ee Abiy lagu siiyay qaybo ka mid ah badda Soomaaliya.
Muuqaalka waxaa lagu soo bandhigaya sida dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan degmooyinka Buq-aqable iyo Ceel-cali ay uga dhiidhiyeen heshiiskii burcadnimada ahaa ee dowladda Itoobiya uu Muuse Biixi ku siiyay inay qaadato qayb ka mid ah badda Soomaaliya.