Channelka wararka ee Al-kataa’ib ayaa caawa baahiyay muuqaal kooban oo uu kusoo bandhigay mashruuc lagu cirib-tirayo cayayaanka iyo kaneecada, kaas oo uu maamulka wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan ka sameeyay deegaanka Shaw ee dhaca galbeedka wilaayadaasi.
Muuqaalka oo ah mid kooban waxaad sekennada ugu horreeya ku arkaysaa rag ku howlan diyaarinta mashruuca lagula dagaallamayo cayayaanka iyo Kaneecada, kaddibna waxay xaafadaha magaalada ka dabar-jarayaan cayayaankaas oo si wayn dhibaato ugu hayay dadka deegaanka.