Channelka wararka ee Al-kataa’ib ayaa baahiyay muuqaalka isku soo baxyo waawayn oo ka dhacay deegaanno ka tirsan wilaayada islaamiga ah ee Gedo, kaas oo bulshada ku dhaqan degmooyinka iyo deegaannada wilaayadaas dareenkooda ku muujinayeen, kagana dhiidhinayeen heshiiskii xaaraanta ahaa ee Abiy Axmed Badda Soomaaliya lagu siiyay.
Muuqaal baahiyaha Kataa’ib ayaa muuqaalkan oo la daawan karo muddo ku dhow 14 daqiiqo kusoo bandhigay isku soo baxyo waawayn oo ay dhigeen bulshada muslimiinta ah ee ku dhaqan wilaayada Gedo, gaar ahaan degmada Ceel-cadde iyo degaanka Ilbeyta oo ka wada tirsan wilaayada Gedo.