Maalinkii jimcaha oo ku beegnayd maalinkii ciidul fidrida isla markaana ahayd maalin farxad dadka muslimiinta ahi ay kusoo dhaweeyeen, waxa magaalada Jilib ee wilaayada Jubbooyinka ka dhacday xaflad qalbiyada dadkii daawaday aad usoo jiitay, waa xaflad lagu qabtay beerta ugu quruxda badan magaalada Jilib oo dhacda bartamaha magaalada, waa xaflad loo qabtay caruurta agoonta ah oo kaliya.
Idaacadda Andalus oo ka qayb gashay xafladda ayaa makarafoonka la dhex qaaday caruurtii iyo dadkii daawanayay labadaba, waxana la waydiiyay dareenkooda iyo farxadda ay kula ciidayaan caruurta agoonta.
Sida aad sawirada ku aragtaan xafladda caruurta waxa ka qayb qaadanaya waaliga wilaayada Jubbooyinka Sheekh Maxamed Abu Cabdallah oo isagu sannadka soo abaabulay xafladda ciidsiinta caruurta Agoonta.
Halkan Ka dhagayso Barnaamij gaar ah oo Andalus ay ka diyaaarisay.
Daawo Sawirrada.