Channelka wararka ee Al-kataa’ib ayaa baahiyay qaybta 5-aad muuqaallo taxane ah oo lagu soo bandhigaayo dayactir lagu sameeyay waddooyinkii ku burburay daadka iyo fatahaadaha ka dhashay roobabkii dayrta, mashruucaan ayaana qayb ka ah dedaallada guddiga maaraynta fatahaadaha ee Mujaahidiinta Al-shabaab.
Qaybtan oo ah tan Shanaad ayuu muqaal baahiyaha Kataa’ib kusoo bandhigayaa dayactir lagu sameeyay waddooyin kuyaal degmada Saakow ee wilaayada Jubbooyinka, kuwaas oo waxyeello kala duwan ay kasoo gaartay daadad kusoo rogmaday qaybo ka mid ah magaalada xilligii ay fatahaaddu jirtay.