Saakow waa mid ka mid ah magaalooyinka dhaca wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka ee maanta sida wayn looga oogay labada rakcadood ee salaadda ciidul-adxal mubaarak, waxaana fagaaraha degmadaas isugu yimid dad aad u badan oo ka mid ah bulshada ku dhaqan degmda iyo deegaannada ku xeeran.
Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo ka mida culimada wilaayaadka islaamiga ah ayaa ka mid ahaa culimadii maanta labada rakcadood ee salaadda ciidda bulshada kula oogay fagaaraha Saakow. dadku waxay ahaayeen kuwa faraxsan oo isugu hambalyeynaya farxadda ciidda.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.