Degmada Salagle ee wilaayada islaamiga Jubbada dhexe, waxay ka mid tahay degmooyinka iyo deegaannada lagu maamulo shareecada islaamka ee wilaayaadka dalka ee shalay lagu oogay labada rakcadood ee salaadda ciidda.
Boqollaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan degmada Salagle ayaa hal goob oo fagaare ah ku wada oogay labada rakcadood ee salaadda Ciidul-adxaa, waxayna dadku salaadda kaddib u udxiyaysteen xaafadaha magaalada, maadaama ay ciiddan tahay ciiddii gowraca iyo hilibka.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.