Diyaaradaha dagaalka ee dowladda saliibiyadda Maraykanka ayaa waabarigii hore ee saaka duqayn wuxuushnimo ah ka gaysatay degmada Saakow ee dhacda wilaayada Jubbooyinka, halkaas oo ay ku beesagdeen guryo ay leeyihiin dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Duqaymahan diyaaradeed ee ay saliibiyiintu ka gaysteen degmada Saakow waxaa inta la xaqiijiyay ku burburay laba guri oo ay lahaayeen dad shacab ah, halka gantaal saddexaadna la xaqiijiyay inay diyaaradahaasi ku dhufteen beer ku taalla duleedka magaalada, Allaah fadligiis ma jirin cid wax ku noqotay gantaalkan, isagoo ku qarxay meel bannaan ah.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Duqaynta Saakow.