Maktabka warfaafinta mujaahidiinta ayaa goordhow faafiyay sawirrada weerarkii xoogganaa ee maanta ka dhacay duleedka degmada Afmadoow ee ay mujaahidiintu la beegsadeen ciidamo huwan ah oo isugu jiray maleeshiyaad murtadiin ah iyo ciidamo Saliibiyiin Maraykan ah.
Camaliyadda oo ka dhacday duleedka Afmadoow waxay mujaahidiintu la beegsadeen kolonyo saliibiyiin Maraykan ah iyo murtadiinta, waxay sidoo kale mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen ciidamada huwanta ah, inta la hubiyay inka badan 38 murtadiin ah oo 3 ka mid ah saraakiishii hoggaaminaysaa ciidankaas ay yihiin ayaa lagu dilay goobta halka 43 xubnoodna lagu dhaawacay, kuwaas oo 6 ka mid ah ay saraakiil yihiin, halka 10 baabuurna lagu gubay.
Sawirrada uu xafiiska warfaafinta faafiyay ayaa muujinaya burburkii uu weerarka mujaahidiinta u gaystay kolonyada saliibiyiinta iyo murtadiinta, waxaana la daawan karaa burburka gaadiidka iyo raadadka muuqda ee uu weerarkaas ku reebay kolonyadii doonaysay inay carqaladeeyaan deegaannada nabdoon ee shareecada islaamka lagu maamulo ee dhaca duleedka degmada Afmadoow.