Bulshada muslimiinta ah ee ku dhaqan degmooyinka iyo deegaannada wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan ee dhacda bartamaha Soomaaliya ayaa dareenkooda ku biiriyay umadda Soomaaliyeed ee sida wayn uga dhiidhisay heshiiskii xaaraanta ahaa ee xabashida Itoobiya lagu siiyay qaybo ka mid ah khayraadka Soomaaliya.
Isku soo baxyadan oo ahaa kuwa aad u ballaaran ayaa si isku mid ah uga dhacay degmooyinka iyo deegaannada ay ka kooban tahay wilaayada Hiiraan, waxaana bannaanbaxyadaas ka qayb galay oo xabashida fariimo kala duwan u diray culimo, masuuliyiin, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasoo watay boorar ay ku qoranyihiin halku dhigyo ka dhan ah heshiiskii badda lagu siiyay xabashida.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.