Magaalada Jilib ee xarunta wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka waxaa ka dhacay fantasiyo cajiib ah oo qayb ka ah dabaal-degga munaasabadda ciidul-adxaa, kaas oo ay kasoo qayb galeen kumanaan ka mid ah Soomaalida, isaga kala yimidna gobollada dalka.
Fantasiyahan oo ahaa midkii koowaad ayaa ka dhacay fagaaraha wayn ee Mucallin Aadan Xaashi Xeyrow, waxaana lagu soo bandhigay tartanno iyo ciyaaro kala duwan oo waafaqsan shareecada islaamka, sida xarig jiidka, bootinta iyo oradka, waxaana ku tartamayay saddex majmuuco oo ka kala socotay saddex degmo oo kala ah Jilib Jammaame iyo Kamsuuma.
Kumannaanka qof ee usoo daawasho tagay tartamada fagaaraha ka dhacayay ayaa wujuuhdooda laga dareemayay farxad iyo reyrayn, maanta ayaa sidoo kale loo madalsan yahay tartamo kale iyo damaashaad qayb ka ah dabaal-degga munaasabadda ciidda.
Hoos ka Daawo Sawirrada Damaashaadka Ciidda Ee Jilib.