Fagaaraha macallin Aadan Xaashi Ceyrow ee degmada Jilib, waxaa maanta isugu yimid kumanaan ka mid ah dadweynaha ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalada, deegaannada ku xeeran iyo magaalooyinka kale, si ay halkaas ugu oogaan labada rakcadood ee salaadda Ciidul-adxaa.
Dadka fagaaraha isugu yimid oo wajiyadooda laga dheehan karo farxadda iyo rayraynta ay ka dhaxleen ku dhaqanka shareecada islaamka, ayaa isugu hambalyeynayay munaasabadda ciidda oo ka mid ah maalmaha farxadeed ee ay muslimiintu leeyihiin, waxayna si wadajir ah fagaarahaasi ugu oogeen labada rakcadood ee salaadda ciidda.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Ciidul-adxaa Jilib.