Degmada Buulo-fulaay ee xarunta wilaayada islaamiga ah ee Baay, waxay ka mid ahayd degmooyinka iyo deegaannada wilaayaadka islaamiga ah ee sida wayn looga ciiday maanta oo muslimiinta caalamka u ahayd maalinta koowaad ee dabaal-degga munaasabadda ciiddul-adxaa.
Boqollaal ka mid ah bulsho waynta ku dhaqan degmada Buulo-fulaay ee Baay ayaa isugu yimid fagaaraha Yarmuuk, halkaas oo ay ku oogeen labada rakcadood ee salaadda ciidda, kadibna waxay u dhaqaaqeen inay udxiyaystaan si la mid ah dadka kale ee ku dhaqan wilaayaadka islaamiga ah.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.