Magaalada Kuunya-barrow ee wilaayada Sh/hoose, waxaa maanta si wayn looga oogay munaasabadda ciidul-fidriga ee sannadkan 1445 Hijri, waxaana fagaaraha wayn ee magaaladaas kuyaal isugu soo baxay boqlllaal dadweyne ah oo isaga kala yimid xaafadaha magaaladaasi, kuwaas oo halkaas ku oogay labada rakcadood ee salaadda Ciidul-fidriga.
Dadka muslimiinta ah ayaa kaddib salaadda CIidul-fidriga isugu hambalyeynayay bilashada bisha Shawaal, waxayna si guud alle waydiisanayeen in uu ka aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee ay muslimiintu soo qabteen 30-kii maalmood ee ina dhaafay.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.