Degmada Buq’aqable ee xarunta u ah maamulka wilaayada islaamiga Hiiraan ayaa maanta si la mid ah degmooyinka kale ee wilaayaadka dalka looga oogay labada rakcadood ee salaadda ciidul-fidriga, waxayna dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan degmadaasi xilli hore u dareereen musallah Abuu Zubayr, halkaas oo ay kusoo oogeen salaadda ciidda.
Tukashada salaadda kaddib ayay dadka muslimiinta ah isugu hambalyeynayeen munaasabadda ciidda iyo acmaashii wacnayd ee ay soo samaayeen bishii khayrka badnayd ee ina dhaaftay ee Ramadaan.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.