Degmada Jammaame ee wilaayada Jubbada hoose, waxaa maanta laga oogay labada rakcadood ee salaadda ciidda, gaar ahaan ciidul fidri sannadkan 1445 Hijri, waxayna dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan magaaladaasi isugu soo baxeen musalle wayn, halkaas oo ay salaadda ku oogeen.
Jamaame waxay ka mid tahay degmooyinka wilaayada Jubbada hoose ee maanta laga ciiday, waxaa sidoo kale sidan oo kale labada rakcadood ee salaadda looga oogay degmooyinka kala ah Kamsuuma, Xagar iyo Badhaadhe iyo sidoo kale deegaanno kale oo wilaayada ka tirsan.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.