Idaacadda islaamiga ah ee Andalus oo ku hadasha afka xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay baahisay tirakoob ka warbixin loogu magac daray 100 maalin iyo 100 gaari oo Ghaniimo ah, tirakoobkan ayaana lagu soo bandhigayaa qayb ka mid ah gaadiidkii kusoo dhacay gacanta Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab boqol maalin gudahood.
Tirakoobka Andalus waxaa lagu soo bandhigayaa xogta iyo muuqaallada ku dhawaad 100 gaari oo maleeshiyaadka Riddada looga soo qaniimaystay camaliyaadka Mujaahidiinta ee looga hortagayo dagaalka ka dhanka ah shareecada islaamka ee ay reer galbeedka saliibiyiinta ah usoo wakiisheen dabadhilifyadooda murtadiinta, uuna Mujaahidiinta ku iclaamiyay murtadka madaxa ka ah kooxda Riddada Xassan Gurguurte.
Warbixintan oo maqal iyo muuqaal ah waxay idaacaddu kusoo bandhigtay noocyada gaadiidka, magacyada iyo halka ay ka kala dhaceen howlgallada ay ciidamada Mujaahidiintu kusoo furteen laga soo billaabo 9-kii October 2022, illaa 20-kii january sannadkan 2023-ka.
Halkan Ka Daawo Warbixinta Idaacadda Oo Maqal Iyo Muuqaal Ah.