Nabaddoonnada iyo waxgaradka beesha Xawaadle oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan ayaa kulan ay ku yeesheen deegaanka Booco ee dhaca bariga wilaayada ugu jawaabay hadallo kasoo yeeray siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka tirsan murtadiinta.
Odayaasha iyo waxgaradka Xawaadle ayaa ganafka ku dhuftay hadallada siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ka tirsan kooxda Riddada ah kuwaas oo ku baaqayay dagaal ka dhan ah diinta islaamka, iyagoo sheegay inay doonayaan ku dhaqanka shareecada islaamka.