Kumanaan kamid ah xujayda muslimiinta ayaa maanta taagan Banka Carafo oo ah rukniga ugu wayn ee acmaasha xajka.
Muslimiinta badan oo caalamka ku dhaqan oo aysan u suurtaga gelin in ay xaadiraan Xajka ayaa maanta oo taariikhdu tahay 9-ka bisha Carafo sooman maalinta carafo oo fadli dheeri ah leh.
Xujayda oo kala medeb ah kala luqad ah waxay taaganyihiin Banka Carafo waxa kaliya ee midaynaya ayaa ah kalimadda Towxiidka,saraakiisha caafimaadka Xaramka ayaa sheegay in dadaal dheeri ah ay sameeyeen si looga feejignaado isbuurasho ka dhax dhacda Xujayda.
Xukuumadda Sacuudiga waxay sheegtay in sanadkan dadka Xajinaya lagusoo koobay Toban kun oo ruux kaliya sababa laxiriira caabuqa Carona Virus ee caalamka dhibaatada ku haya.
Halkan Hoose Ka Daawo.