Waxaa la faafiyay sawirrada dadkii shacabka ahaa ee maanta diyaaradaha dowladda saliibiyadda ee Maraykanka ay ku duqeeyeen deegaanka Bisiq-cadde ee dhaca duleedka degmada Buurhakaba ee wilaayada Baay, halkaas oo ay saliibiyiintu ku dileen shan qof oo shacab ah halka ay ku dhaawaceen 10 kale.
Waxaa sawirrada labaahiyay laga dheehan karaa dhaawacyada kala duwan ee soo gaaray bukaannada, kuwaas oo maamulka islaamiga ah uu daryeel caafimaad oo deg deg ah u fidiyay, waxaana dhacdada warbaahinta islaamiga ah ee Andalus uga warbixiyay suldaanka Beesha Eelay Suldaan Daadey iyo qaar ka mid ah dadkii dhaawacyada fudud ay kasoo gaareen duqaymaha.
Halkan Ka Dhagayso Codka Suldaan Daadey.
Halkan Ka Dhagayso Codadkii Qaar Ka Mid Ah Bukaannada.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Dhaawacyada.