Diyaaradaha dowladda saliibiyadda ah ee Kenya ayaa markii 3-aad habeenkii xalay duqaymo xagga cirka ah oo ay ka gaysteen gudaha degmada Saakow ee wilaayada Jubbooyinka ku beegsaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Ilaa 4 gantaal ayay diyaaradaha saliibiyiintu ku garaaceen xaafadaha kala duwan ee magaalada Saakow iyo geerish gaadiidka lagu farsameeyo oo kuyaal gudaha magaalada iyo warshad baraf oo ku dhinac tiillay, waxaana halkaas ka dhashay dhaawacyo iyo burbur hantiyeed oo soo gaaray dadka shacab ah.
Ugu yaraan 2 qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay duqayntan, halka ay burbureen gaadiidka dadka shacabka ah ee yiillay geerishka, guryo ay leeyihiin dad biramagayda ah ayaa sidoo kale ku burburay duqaymaha saliibiyiinta Kenya, waxaa sidoo kale goobaha ku burburay duqaymaha Kenya ka mid ah madaraso Qur’aanka kariimka lagu xifdiyo.
Halkan Ka Dhagayso Faahfaahinta Duqaynta Saakow.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.