Diyaaradaha sida qumaatiga u kaca ee dowladda saliibiyadda Maraykanka ayaa gelinkii dambe ee maanta weerar ku qaaday guryo ay dad shacab ah deganaayeen oo kuyaal degmada Galhareeri ee ka tirsan wilaayada Galgaduud ee dhacda bartamaha Soomaaliya.
Diyaaradaha saliibiyiinta oo ahaa kuwa helikobtarka loo yaqaan ayaa madaafiic iyo rassaas aan loo meel dayin ku riday magaalada, halkaas oo ay ku dileen cunug yar oo 3 sano jir ah, halka ay ku dhaawaceen 8 qof, kuwaas oo dhamaantood ah caruur iyo haween, waxay sidoo kale diyaaradaha saliibiyiintu burburiyeen guryahaay dad shacab ah degganaayeen, sawirro goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya burburka guryaha iyo jariimooyinka ay dadka shacabka ah kula kaceen.
Halkan Ka Dhagayso Codadka Waxgaradka Galhareeri.
Halkan Ka Dhagayso Codadka Waalidiinta Carruurta.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.