Dab xoogan oo geystay khasaara ayaa ka kacay Isbitaalka Dayniile ee magaaladan Muqdisho,iyadoo warar dheeraad ah laga helayo waxyeelada uu geystay dabka.
Qeybta Daawada ee Isbitaalka ayuu dabka qabsaday,waxaana uu dabka socday ku dhawaad Labo saac oo xiriir ah taasi oo sababtay inuu dabka geysto khasaara xoogan.
Dabkan ayaa ka dhashay Koronto mana jirta wax khasaara Nafeet ah oo uu geystay dabkan ka kacay Isbitaalka Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Shil gaari oo geystay Khasaara ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah Kaabo Godeey ee degmada Wadajir,waxa uu shilkan Yimid kadib markii uu fariin goostay gaari noocyada Gaaribka ah kaasi oo uu watay Sarkaal Murtad ah oo ka tirsan dowlada Ridada.
Gaariga ayaa burburiyay Gooba Ganacsi waxaana ku dhaawacmay Gabar goobta ku sugneed taasi oo la sheegay inuu dhaawaceeda culus yahay islamarkaana loo qaaday goobaha Caafimaadka.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.