Wararka ka imaanaya gobolka Banaadir ayaa sheegaya in dab xooggan oo khasaaro hantiyadeed gaystay uu ka kacay xaafad ka tirsan dagmada Holwadaag ee magaalada Muqdisho.
Dabka oo socday saacado ayaa markii dambe lagu guulaystay in la damiyo waxaana dabkan oo sida la sheegay ka dhashay Korontada uu gaystay khasaare hantiyadeed.
Sawirro laga soo qaaday goobta uu dabku kacay ayaa muujinaya dhismooyin kala duwan oo ay soo gaareen burbur, iyadoo dhanka kala lasoo wariyay inay ku dhax gubteen dhammaan wixii agab ahaa ee dhax yiillay.
Mudooyinkan dambe waxaa magaaooyinka waddanka Soomaaliya kusoo badanayay gubashooyinka, waxaana shilalka qaar ay baabi’iyeen suuqyo waawayn oo ku yaalla magaalooyin ay kamid yihiin Muqdisho, Hargaysa iyo magaalada Gaarisa ee ku hoos irta gumaysiga dawlada nasaarada ah ee Kenya.