Dab xooggan ayaa lasoo wariyay in uu ka kacay gudaha teendhada Afisyooni oo kutaal xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku sugnaa madaxa kooxda Riddada Soomaaliya murtad Xassan Gurguurte.
Teendhada uu dabkan ka kacay waxaa si rasmi ah uga furmay shir uu ka qayb galayay murtadka madaxweynaha ka ah kooxda Riddada Soomaaliya. waxaana xilliga uu dabku kacayay uu ku sugnaa gudaha xarunta.
Ilo wareedyo ku sugnaa goobta ayaa soo sheegay in goobtaasi lagala cararay murtad Xassan Gurguurte ka dib markii uu sii xoogaystay dabka, lamana soo werin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkan.
Dhowaan ayay ahayd markii uu dab xooggan ka kacay cisbitaalka Martiini ee kuyaal caasimadda, kaas oo gaystay khasaare maadi ah, shilalka dabka ah ayaana maalmihii dambe kusoo badanayay magaalada Muqdisho.