Boobka dhuleed ee ay wadaan madaxda iyo maleeshiyada murtadiinta ee ka socda magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa maalin maalinta ka dambeysa kasii daraya, waxayna markan kasoo yeertay dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Dharkeyley ee gobolka Banaadir.
Qoysaskan oo u badan kuwa danyar ah ayaa sheegay in guddoomiyaha maamulka Riddada ah ee gobolka Banaadir ugu magacaaban degmadaasi, murtad Yuusuf Xundubeey uu amar ku bixiyay in la dumiyo guryahooda.
Waxay warbaahinta u sheegeen in guryahan ay yihiin kuwa ay shakhsi u leeyihiin, qaarkood na ay dhisanyihiin ku dhawaad nus Qarni, guddoomiyaha murtadiinta ugu magacaaban degmadaasina uu maleeshiyo usoo diray, kuwaasi oo guryahooda u asteeyay dumin.
Waxay tani qayb ka tahay dhul-boob xooggan oo ka socda magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku kacayaan madax murtadiin ah, waxaana dhul boobkan uu isugu jiraa mid lagula kacayo dhulalka danta guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay.