Wararka ka imaanaya magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka ayaa sheegaya in saacadihi lasoo dhaafay shil Tareen oo sababay khasaara nafeet uu ka dhacay gudaha magaaladaasi.
Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Labo Tareen oo ku socdaalayay dhanka Galbeed ee magaalada Moscow kuwaasi oo ay la socdeen inka badan 500 Ruux.
Waziirka xaalada degdega ee dowlada Ruushka gaalka lagu magacaabo Vladimir Boutckov oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in isbitaalka guud ee magaaladaasi la dhigay 12 ruux oo Lix ka mid ah ay xaaladooda aad u liidato.
Warbaahinta Ruushka ayaa dhankooda baahiyay in khasaaraha ka dhashay shilkaasi Tareen ay aad u sii korortay islamarkaana dhaawacyada ay kor u dhaafeen 31 ruux oo badankooda dhaawacyadooda culusyihiin.
Mid ka mid ah labada Tareen ee isku dhacay ayaa si aad ah u burburay kaasi oo ah Tareenka ay la socdeen inta badan dadka ku dhaawacmay shilkaasi.
Calamada.com