Wararka ka imaanaya deegaanka Milxo ee hoostaga degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in laba qof oo Itoobiyaan ah lagu dilay halka mid kalena lagu dhaawacay kaddib ismaan dhaaf soo kala dhex galay dadkaasi iyo dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan deegaankaasi.
Ilo wareedyo maxalli ah ayaa soo wariyay in arrinta keentay dilka dadkaasi Itoobiyaanka ay salka ku hayso qodista Dahabka, maadaama deegaankaasi uu yahay mid hodan ku ah Dahabka, muranka iyo ismaandhaafka soo kala dhex-galay kaddib ayaana goobtaasi lagu dilay labada qof ee Itoobiyaanka ah.
Sidoo kale waxaa dhacdadan ku dhaawacantay laba qof oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan, waxayna dhacdadaan kusoo beegmaysaa xilli dadka Itoobiyaanka ah ay muddooyinkii dambe aad ugu soo qulqulayeen deegaannada dhaca gobolka Sanaag ee waqooyi bari Soomaaliya ee qaniga ku ah Dahabka iyo khayraadka kale ee dabiiciga ah.