Wararka ka imaanaya ismaamulka Mombasa oo ka tirsan gobolka Laamu oo ka mid ah dhulalka muslimiinta ee ay Kenya xoogga ku haysato ayaa sheegaya in ugu yaraan afar qof ay dhinteen, kaddib markii uu dadkaasi kusoo dumay god ay dhagxaan ka qodayeen.
Dhacdadan ayaa si gaar ah looga soo tabiyay god dhagxaanta laga qodo oo kuyaal Kisauni oo ka tirsan ismaamulka Mombasa, waxaana marka hore godkaasi laga soo saaray maydadka illaa saddex qof, halka midka afaraadna dib laga soo saaray.
Masuuliyiin ka tirsan ismaamulka Mombasa ee dowladda Kenya ayaa goobta gaaray, waxayna sheegeen in goobta wali lagu la’yahay dad kale oo garaaya illaa laba xubnood, waxaana goobta soo buuxdhaafiyay eheladda iyo asxaabta dadka lagu la’yahay godkan oo ah meel dhagxaanta laga qodo, waxayna naawilayaan inay helaan raqda ama ruuxda dadkooda.