Wararka ka imaanaya magaalada Cape Town ee dalka Konfur Afrika waxey sheegayaan in 24-kii saac ee u dambeysay markale gudaha magaaladaasi dhimasho iyo dhaawac loogu geystay dhowr qof oo Somali ah kuwaasi oo ay weerareen Kooxo Burcad Konfur Afrikan ah.
Inta la xaqiijiyay Labo Ruux oo Soomali ah ayey kooxaha Burcad Konfur Afrikanta ah ku dileen magaalada Cape Town,waxeyna dhaawaceen Shan ruux kale oo isla Somalida magaaladaasi ku sugan ka mid ah.
Labada Ruux Somalida ah ee ay dileen Kooxaha Burcad Konfur Afrikanta ah ayaa lagu kala magacaabi jiray Ismaaciil Cabdi Macow iyo Cali Maxamuud Cadow,waxeyna Kooxaha Burcad Konfur Afrikaanta ah boobeen hantidii tiilay goobahaasi ganacsi ee ay la haayeen dadkaasi Somalida ah ee dhimashada iyo dhaawaca ay u geysteen.
Weerarkan dhimashada iyo dhaawaca ah ee loo geystay Shantaasi ruux ee qeybta ka ah Somalida ku sugan dalka Konfur Afrika ayaa kusoo aadeysa xilli kooxaha Burcad Konfur Afrikaanta ah ay sii kordhiyeen dilalka,dhaca iyo boobka ay u geysanayaan dadka Somalida ah ee Ku Sugan dalkaasi.
Sanad iyo Barkii u dambeysay waxaa gudaha dalka Konfur Afrika lagu dilay ugu yaraan (170) Boqol Iyo Todobaatan ruux oo Soomaali ah,iyadoona Weerarada ugu badan ee lala beegsado dadka Ganacsatada Soomaalida ah ay ka dhacaan xaafadaha dadka fuqarada ah ay deganyihiin ee wadanka Koonfur Afrika, halkaas oo la sheegay inay ku yaallaan inta badan goobaha ganacsiga Soomaalda.
Dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi ayaa ku eedeeyay ciidamada nabadgelyada u xilsaaran ee Koonfur Afrika inay waxba ka qabanin weerarada joogtada ee loo geysto naftooda iyo hantidooda, iyadoona mararka qaar ay dhacda in ciidamadaas ay qayb ka noqdaan bililiqada loo geysanayo goobahooda Ganacsi.